Faahfaahin Weriye Cabdiweli Cali Online oo caawa la dilay

0

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dishay Weriye Cabdiweli Cali Online oo ahaa wakiil wareedkii Radio Kulmiye ee degmada Afgooye.

Kooxda weerarkaas geysatay oo tiradooda lagu sheegay laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa waxa ay Weriyaha ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa, gaar ahaan madaxda.

Ehelladiisa oo aan la xiriirnay waxa ay noo sheegeen in dhaawac daran kuu ka soo gaaray weerarkaas, isla markaana dhaawaciisa loola cararay cisbitaallada Muqdisho, balse dhex uu ku geeriyooday.

Lama yaqaan cidda geysatay dilka Weriyaha, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa dilka loo geystay Weriye Cabdiweli Cali Online.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri, “Naxariista Janno allaha ka waraabiyo Wariye Abdulwali Cali Onleyn oo galabta kooxo  hubeysan ku dileen Afgooye”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in laamaha amaanka degmada Afgooye looga fadhiyo dilka in baaritaan rasimi ah ay ku sameeyaan cidda ka ambeysay dilka weriyaha.

“Hey’adaha amaanka ee Degamada Afgooye waxaan farayaa inay baaritaan rasmi ah ay ku sameeyaan kooxa dilka geystay gacantana lagu soo dhigo Saaxibkeen waxa uu si dhaw ula shaqeynayay Maamulka Gobolka” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.