Dowladda Sri Lanka oo lacag ugu deeqday deyn cafinta Soomaaliya

0

Dowladda dalka Sri Lanka ayaa si rasmiya u shaacisay  in ay kaalinteeda ka qaadanayso ololaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Sri Lanka iyo mas’uuliyiinta Bangiga dhexe ee dalkaas ayaa laga soo xigtay in ay lacag seddax milyan oo dollar ah, ay ku taageerayaan hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lanka ayaa ku warramaysa in lacagtaasi lagu shubayo bangiga hey’adda lacagta adduunka ee IMF, si loo de dejiyo geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Go’aankaas ayaa ku soo aadday maalmo kadib markii Bangiga Adduunka iyo hey’adda lacagta Addunka ee IMF, ay si wadajir ah u shaaciyeen in ay Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo deynta lagu leeyahay muddo ka badan 30-sanno.

IMF iyo Bankiga Adduunka, waxay labaduba sheegeen in Soomaaliya ay mudantahay in si buuxda looga saamaxo deynta uu caalamku ku leeyahay, taas oo cadadkeeda lagu sheegay 5.3 bilyan oo dollar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.