Kenya oo war kasoo saartay loolanka kala dhexeeya Jabuuti

0

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayay uga hadashay loolanka kala dhaxeeya dowladda Jabuuti ee ku aadan kursiga aan  joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay oo labada dowladood mudooyinkii ugu dambeeyay ay isku hayeen cida Afrika ku matalaysa.

Warkan ayaa dowladda Kenya waxay ku sheegtay in ay weli u xayiran tahay go’aan rasmi ah ee midowga Afrika iyo in la dhex dhexaadiyo labada dowladood  loona ogolaado dowladda Kenya in hanashada kursigaas.

“Waxaan aad uga murugaysanahay hadalada is daba jooga ah ee aan diblomaasiyada u wanaagsanayn oo kasoo yeeraya madaxwaynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

21-ki bishii Agoosto 2019 midoowga Afrika waxa ay sameeyeen go’aankooda ugu dambeeya, kaas oo ahaa in Kenya kursigaasi hesho, “waxaan sii laba laabnay ololeheena, balse weli walaalaheen Jabuuti ma qanacsana”

“Midoowga Afrika waxaa uu xariir la sameeyay dhamaan wadamada qaybta ka ah jumciyada qurumaha ka dhaxaysa iyaga oo ku qanciyay in Kenya ay u sharaxan tahay kursiga aan joogtada ahayn taasi waxaa ay muujinaysaa in aysan jirin sabab ay walaalaheen Jabuuti uga soo hor jeestaan hamigeena” ayaa la sii raaciyey qoraalka.

Dowladda  Jabuuti ayaa horay u shaacisay in ay san marnaba ka tanaasuli doonin musharaxnimadeeda kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.