Dad xoog leh oo ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka Laascaanood

0

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in uu dab xoog leh saacadihii lasoo dhaafay ka kacay dooxada Ooda-gooye, dhacda duleedka magaalada Laascaanood.

Dabkaas oo aan weli la xaqiijin waxa dhaliyay ayaa ka kacay dhulka miyiga ah, gaar ahaan dooxada Ooda-gooye oo la sheegay in ay tahay mid aad ugu wanaagsan daaqsinka xoolaha, waxayna ka mid tahay dooxooyinka ugu waaweyn gobolka Sool.

Dadka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo sheegay in dabka halkaasi ka kacay uu si xawliya ku socdo, isla markaana ay adagtahay in la demiyo, maadaama sida ay sheegeen uu jihooyin kala duwan ku faafay, dabeyl darana ay socoto.

Xabsi badan ayaa soo wajahday dadka ku nool magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga, waxaana saacadihii la soo dhaafay magaalada ka baxay gurmadyo xoog leh oo ku dadaalaya deminta dabkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.