Dowlad ballan qaaday bixinta 1.8 Malyan oo ka mid ah deynta lagu leeyahay Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaad dhaqaale ka heshay dowladda Canada, kadib markii laba xunood oo labada dowladood ka kala socda ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka waaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah Addis Ababa kula qaatay, wasiirka wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshada ee dalka Canada Axmed Xuseen, waxeyna ka wada hadleen in dib loo soo celiyo iskaashiga labada dowladood.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in dowladda Canada ay dhigeeda Soomaaliya ka bixin doonto lacag dhan 8.1 Malyan oo qeyb ka noqon doonta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in dib loo bilaabi doono socdaalkii labada wadan.

Dhankiisa wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa dowladda Canada uga mahad celiyay sida ay ugu muujiyeen garab istaaga iyo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya ay u balan qaaday Canada.

Dowladda Soomaaliya waxey mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneyd sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana la ogyahay iney jiraan wadamo dhawr ah oo ballan qaaday in ay deymaha qaar ka bixin doonaan Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.