WHO oo magaca ka bedashay Feyraska Shiinaha ka dilaacay
Hey’adda Caafimaadka Dunida ee WHO ayaa sheegtay in magaca ay ka badashay Feyraska cusub ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha.
Feyraskan oo loo yaqaanay Koron-Feyras ayay hay’adu ay sheegtay in hadda kadib loogu yeerayo magaca Covid-19.
Magac ka badalista caabuqan ayaa imaanayso xilli ay sii kordhayaan dadka u dhimanaya iyo kuwa uu soo ridanayo.
Illaa iyo haatan gudaha dalka Shiinaha waxaa caabuqan u geeriyootay in kabadan 1,000 ruux, halka tobonaan kun oo ruux oo kalana uu soo ritay.
Isniintii gobolka Hubei waxaa feyraskani u dhimatay 103, ruux tiradaas oo noqotay tii ugu badneed oo maalin qura ladii waan galiyo.