Senator Bernie oo hogaaminaya doorashada dimoqoraadiyiinta ee gobolka New Hampshire

0

Senatar Bernie Senders ayaa hogaaminayo doorashada is reereebka Dimoqoraadiyiinta ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.

Codadka doorashada oo latiriyay illaa 71 boqolkiiba ayaa lasoo warinayaa in 26 boqolkiiba uu ku hogaaminayo sanatar Bernie Senders halka musharaxa kusoo xigo ee  Pete Buttigieg uu heysto 24.1 boqolkiiba.

Kaalinta sadaxaad ayaa waxaa soo galay Amy Klobuchar oo helay 20.1 boqolkiiba.

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaana gobolkani ka helin codad wanaagsan isagoona tagay gobolka kale ee South Carolina halkaasi uu kasii wado ololihiisa doorasho.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.