Saraakiil Mareykan ah oo maanta ku wajahan Kismaayo iyo bandow lagu soo rogay

0

Saraakiil ka socota taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Guud ahaan magaalada Kismaayo ayaa  maanta bendow ah. waxaana wadooyinka waa weyn ee magaalada la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Saraakiishan ayaa markii ay tagaan Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta ay kulan la qaataan madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), qaban qaabada kulankaas ayaana haatan ka socota xarun ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu magaalada Kismaayo gaari doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, kaas oo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadli doona khilaafka ka dhex aloosan isaga iyo madaxda dowladda federaalka.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa dhawaan shaacisay in saraakiishaan ay madaxweyne Axmed Madoobe kala hadli doonaan khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe, kaas oo cirka isku sii shareerayey waxii ka dambeeyey qaban qaabada doorashadii uu markiisa seddaxaad ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.