Stadium Muqdisho oo la dhigay roogga cagaaran iyo wasiir Khadiija oo amar soo saartay

0

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa daah furtay dhigitaanka roogga cagaaran ee tuulada cayaaraha Soomaaliya.

Wasiir Khadiijo oo ay wehliyeen maareeyaha wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Goobe, guddoomiyaha kubadda cagta, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale, ayaa daah furtay dhigitaanka roogga cagaaran ee Stadium Muqdisho.

Wasiirka cayaaraha Khadiija Diiriye oo warbaahinta kula hadashay garoonka ayaa sheegtay in ay jiraan shakhsiyaad doonaya in ay guryo u gaar ah ka dhex dhistaan tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho, iyadoo carrabka ku adkeysay in aan laga yeeli doonin taas.

Garoonkan oo ah kan ugu weyn garoomada cayaaraha ee Soomaaliya ayaa lagu sameeyey dib u dayactir xoog leh, kadib markii uu ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.