Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya oo shaqada uga tegay sababo amni darro

0

Warbaahinta dalka Gaana ayaa maanta baahisay in tababarihii cayaartoydda xulka qaranka Soomaaliya oo u dhashay dalka Gana uu iska casilay xilka macalinimo sababo uu ku sheegay amni darro dalka Soomaaliya ka jirta.

Macalin Bashiir Hayford oo gacanta ku hayay laylinta cayaartoyda kubbadda cagta ee qaranka Soomaaliya muddo sanad ku dhaw ayaa sheegay asagoo jooga Gana inuu shaqada iskaga tagay oo uu diyaar u ahayn inuu dalka kusoo laabto.

Inkastoo uu faafaafhin badan bixin haddana macalinkaan waxaa uu sheegay in sababta ugu weyn uu isku casilay ay tahay amni darro dalka ka jirta.

Warbaahinta Modern Ghana ayaa baahisay in tababarahaan uu u xaqiijiyay inuu joojiyay hawshii tababarista cayaartoyda qaranka Soomaaliya.

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya willi kama hadlin go’aankaas kasoo baxay macalin Bashiir Hayford oo tababare u ahaa cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya.

Macalimiin badan oo ajanabi ah ayaa magaalada Muqdisho jooga kuwaasoo tababara cayaartoyda kooxaha ka cayaaraha horyaalka 1,aad kuwaasoo aan muujin wax wal wal dhanka amaanka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.