Kenya oo ciidankii ugu badnaa soo dhoobtay magaalada Mandhera

0

Dowladda kenya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Mandhera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah gudaha Mandheera iyo deegaano kale oo hoos taga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaq dhaqaaqyo xoog leh iyo howlgallo ay ciidamadu wadan ay ka bilaabeen inta ka dhaxeysa Nairobi iyo xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka ku nool gobolka ay Soomaalidu degto ee NFD ayaa cabsi ka muujinaya xiisada ka taagan Mandhera iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee kasoo cusboonaaday gobolka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay xildhibaanada dowladda dhexe ee Kenya ku matala is-maamulka Mandera ay dalbadeen in uu deegaanka isaga baxo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ama dowladda Kenya ay hubka ka dhigto oo si toos ah magan geliyo u siiso.

Maalmo ka hor sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Bele-Xaawo ayaa ku goodiyey in  ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka soo casheyn doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya hadii aysan Kenya dhowrin derisnimada kala dhaxeysa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaatay Kenya ay sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan dhulka xuduudda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.