Jabuuti oo sameysanaysa Dayax Gacmeed

0

Dowladaa Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay yeelato dhowaan Dayax Gacmeed u gaar ah, kaas oo ay dooneyso in ay ku horumariso arrimaha Bulshada iyo dhaqaala.

Kulan ay magaalada Jabuuti ku yeesheen Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Prof. Laurent Dusseau, oo ah maamulaha xarunta Space ee Jaamacadda Montpellier ahna Agaasimaha hey’adda, Van Allen Foundation, ayaa lagu sheegay in muddo laba sano gudahood ah lagu soo gaba-gabayn doono samaynta Dayax Gacmeedka Jabuuti.

Wasiirka tacliinta ee dalka Jabuuti, Nabiil Maxamed Axmed oo goobjoog ka ahaa kulankaas ayaa sheegay in ay dedaal xoog leh ku bixin doonaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen khibradda bulshada dalka iyo dhiirra gelinta horumarinta dadka reer Jabuuti.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.