Ciidamada ammaanka DF oo gacanta ku dhigay rag xalay dil u geystay laba nin

0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan laba nin oo lagu eedeyey in ay xalay dil ka geysteen koonfurta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dilkaas ayaa saqdii dhexe xalay loo geeystay laba nin oo ka mid ah dadka deegaanka Habar-cirir oo dhaca koonfurta magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxayna ragga la dilay shalay gelinkii dambe ka soo lugeeyeen magaalada Gurceel, waxaana jidka loo galay xalay xilli ay u sii hoyaadayeen goryahooda.

Taliyaha Booliiska degmada Matabaan Dhamme Cabdifitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in laba nin oo ku eedeysan dilkaas ay saakay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo sida uu sheegay laga qabtay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in hadda ay ciidamadu weli ku raad joogaan laba nin oo kale, kuwaas oo la’aaminsan yahay in ay wax ka fuliyeen dilkaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.