Qarax khasaare geystay oo ka dhacay koonfurta Muqdisho

0

Askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw qarax lagula eegtay meel u dhaw deegaanka Siinka-dheer ee koonfurta magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa lagu sheegay miinada nuuca dhulka lagu aaso waxuuna haleelay gaari Cabdi-bile ah ee ay wateen ciidamadu, waxaana askartii la socotay soo gaaray khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay gaariga qaraxu haleelay uu ka yimid dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxuuna u soo socday dhanka magaalada Muqdisho.

Illaa laba askar ayaa waxaa la sheegay in qaraxaan ay ku dhinteen, in ka badan shan kalena ay ku dhaawacmeen, waxayna askartaan ka tirsanaayeen sida ay wararku sheegayaan militeriga Soomaaliya.

Dadakii ka agdhawaa goobta markii uu qaraxu dhacayey waxa ay sheegeen in ay arkayeen dad rayid ah oo qaraxa waxyeello ka soo gaartay in kastoo aysan noo xaqiijin tiro rasmi ah, waxaana durba goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.