Lafta-gareen oo magacaabay guddiga farsamada soo xulidda baarlamaanka labaad
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga farsamada ee soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 10 xubnood.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii loo soo xuli lahaa baarlamaanka labaad ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo tiradoodu dhantahay 95 xildhibaan. Waxayna kala yihiin.
1)Maxamed keerow Maxamed Gudoomiye
2)Mudixiin Aaadan Ibraahin Gudoomiye ku xigeen
3)Aadan Maxamed Cali Xoghayn
4)Mowlid Xasan Axmed Xubin
5)Jaylaan Maxamed Cawf Xubin
6)Faadumo Maxamed Axmed Xubin
7)Aamino cumar Maxamed Xubin
8)Cumar Cali Isaaq Xubin Xubin
9)Faarax Sheekh Maxmed Xubin
10)Caa’isho ibraahim Cali Xubin.