Cabdirashiid Janan oo beeniyey in uu ku sugan yahay Mandhera

0

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay in uusan ku sugneyn magaalada Mandhera ee dalka Kenya, balse uu joogo magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay dhinac ka joogaan magaalada Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda federaalka ay dhawaan geysay.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiir Janan ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibaanada ku matala dowladda dhexe ee Kenya iyo mas’uuliyiinta kale oo ka soo jeeda gobolka Mandera ay ugu baaqeen dawladda Kenya in ay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.