Xildhibaan Fiqi oo xog xasaasi ah ka bixiyey maqnaashaha mushaarka ciidamada

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay arinta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo aan weli la siin mushahaarkoodii bishii dhamaatay ee Janaayo.

Fiqi ayaa sheegay in uu hayo xog sheegeysa in xubno ka tirsan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ay mushaarkii ciidanka bishan ku darsadeen suuqa sarifka lacagaha online-ka ee FOREX, si faa’iido badan ay uga helaan.

Xildhibaan Fiqi oo qoraalkan ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa arintaas hadey rumowdo waxa uu ku tilmaamay nasiib darro weyn, khiyaano iyo musuq maasuq daran.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Mushaarkii ciidamada xoogga dalka waxaa lagu soo waramayaa in aan la bixin bishii dhamaatay, uuna jiro qorshe ah in mushaar kordhintii ciidamada xoogga dalka loo sameeyey ee ku jirtey miisaanoyadda 2020 in qolo dhexe isku dayayso in ay goosato ugu yaraan mushaarkii bishii January.

Waxaa kaloo suuqa ku jirta in madaxda qaranka qaarkood la tuhunsan yahay In ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan, arrintaanoo noqonaysa khiyaano iyo musuqmaasuq weyn haddii sida loo sheegayo ay u dhacdo.

Ciidamada mushaarkooda sidii miisaaniyadda ugu qornayd waa In loo bixiyaa.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.