DF oo soo dhaweysay shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Puntland Deni

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayso shirkii uu madaxweynaha Puntland ku baaqay in ay isu’gu yimaadan dadka Reer Puntland si looga tashado Arrimaha dowladda Federaalka.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  xukuumadda federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay ay soo dhowaynayso shirka uu ku baaqay madaxweyne Deni isla markaana ay rajaynayaan in wax  wanaagsan ka soo baxo Shirkaasi.

Wasiir Maareeye oo la hadlayey Barnaamij gaar ah oo xalay ka baxay Warbaahinta dowladda Soomaaliya  ayaa sheegay in ay rajeynayaan in shirkaas uu kasoo baxo wax wanaagsan oo maxsuulka  uu noqdo talo Soomaaliyeed oo fiican taasi oo kala aragti duwanaanta haatan jirta fududeyn doonta.

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa jimcihii la soo dhaafay iclaamiyay Shir Weyne wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka reer Puntland si looga wada-tashado Arrimaha dowladda Federaalka mowqif midaysana looga qaato.

Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay  in shirkaasi caasimadda Garowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020 waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka reer Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.