Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharcigta Batroolka dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw saxiixay sharciga Baatroolka dalka, kaddib ansixintii labada gole ee baarlamaanka federaalka.

Qoraal ay ka soo saartay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuq maasuqa”.

Sidoo kale qoraalaka ka soo baxay Villa Somalia oo intaas ka dheeraa ayaa lagu sheegay in meel-marinta Sharciga Baatroolka dalka, ay maalgashadeyaasha caalamiga ah ku dhiira gelinayso fahanka sida ay Soomaaliya ugu diyaarsantahay xasilloonida dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.