C/Raxmaan C/Shakuur oo kuwo fashilmay ku tilmaamay balan qaadyadii Farmaajo

0

Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, si gaar ah waxa uu u dul istaagay waxa ka hir galay seddax sano kadib balanqaad yadii madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in dhamaan qodobadii uu balanqaaday madaxweyne Farmaajo ay dowladdiisu ku fashilantay, sida uu hadalka u dhigay, kuwaas oo kala ah, dhismaha ciidan qaran, dhameystirka dastuurka, qorsha amniga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, wadahadallada Somaliland, dib u heshiisiin guud oo la hirgaliyo iyo siyaasaradda arrimaha dibadda oo uu sheegay in aysan fadhin.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in madaxa dowladdu ay balan qaadyadoodii ku bedaleen sida uu sheegay siyaasad guracan oo u gaar ah, waxuuna tusaale u soo qatay dagaal uu sheegay in hogganka dowladda dhexe uu la galay maamul goboleedyada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.