Puntland oo xirtay xafiiskii guddiga doorashooyinka qaranka+ Sababta

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xiray xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu amray in maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garowe ay ka tirsan tahay uu xiro xafiiskaas, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Febraayo.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu faray dhamaan mas’uuliyiinta heer degmo iyo heer gobol in aan wax howl ah oo la xiriira guddiga doorashooyinka federaalka laga qaban karin degmooyinka iyo gobollada Puntland.

Puntland ma aysan shaacin wax sabab ah oo ay qaadatay go’aanka ay ku xirtay xafiiska. Hase yeeshee, tallaabadan ayaa kasii dareysa xiriirka markii horeba xumaa ee labada dhinac.

Sidoo kale, go’aanka Puntland ayaa yimid maalin un kadib markii dowladda Mareykanka ay wada-hadallo iyo dib u heshiisiin ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalka Puntland

P
P

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.