Jubbaland oo soo bandhigtay Ugaas ka soo goostay Al-Shabaab

0

Maamulka Jubbaland ayaa galabta magaalada Kismaayo kusoo bandhigay nin Ugaas ah oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.

Warbaahinta Jubbaland ayaa lagu baahiyey sawirka iyo macluumaadka ugaaskan, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka ammaanka Jubbaland ee ka howlgala degmadda Af-madow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugaaska ayaa magaciisa lagu sheegay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaano Maadeey, kaas oo sheegay in uu ka soo baxsaday Al-Shabaab.

Ugaaskan ayaa waxaa la sheegay in uu Al-Shabaab uga soo baxsaday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo uu muddo ku noolaa, taas oo ka mid ah goobaha ay ugu awooda badanyihiin Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa sheegtay in Ugaaskan uu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee Al-shabaab ay sameysteen, kuwaas oo ay ugu tala galeen in ay u matalaan beelaha dega gobollada Jubbooyinka, isla markaana uu Shabaab u matalayey mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Ugaaska Maxamed ayaa sheegay in laba cisho ka hor uu kasoo baxsaday degmada Jilib, kadib markii sida uu sheegay ay Al-Shabaab dhibaato u geysteen, waxuuna iska dhiibay degmada Af-madow, iyadoo loo gudbiyey magaalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.