Cabdikariin Guuleed oo dowladda ku dhaliilay ciidamada ay geysay Gedo, talana u soo jeediyey

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug  Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay awood ciidan ku maquuniso degmooyinka xorta ah ee gobolka Gedo.

Qoraal kooban oo Cabdikariin Guuleed uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu dowladda uga dalbaday in wixii is fahmi waa ah ee kala dhaxeeya Jubbaland wadahadal  lagu xaliyo, balse aan la abuurin guluf colaadeed oo aan aheyn kan lagula jiro Al-Shabaab.

Hoose ka akhriso qoraalka Cabdikariin Guuleed

Waa ayaan daro in dowladda Soomaaliyeed halkii laga sugayey in awoodda ciidan ee ay heyso u abaabusho una diyaariso dhankaas iyo ladagaalanka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, si ay oga bixiso gacan ku heynta maamulka Jubaland.

Run ahaantii ma aheyn arinkaas oo kale wax dowladda laga filaayey, waana arin abuureysa colaad iyo iska horkeen bulsho, fursadna siineysa codowga Al-shabaab.

Haddaba dowladda waxaan u soo jeedineynaa inay arinkaas joojiso, waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham, halkii xoog, xoolo iyo wiilal lagu khasaarin lahaa dagaal dhexdeena ahna loo wajaho awoodda ciidan iyo cududeed oo dhan dhanlka ciribtirka iyo ladagaalanka xoogagga argagaxisada ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.