Boqortooyada Sucuudiga oo jaaliyadda Soomaaliyeed ka cafisay lacago horay loogu lahaa

0

Jaaliyadaha shan dal oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa boqortooyada Sucuudi Carabiya  waxa ay ka cafiyay lacagtii  looga qaadi jiray dal ku galka, kadib markii ay bixiin waayeen,  iyadoo loo qabtay  muddo 90 cisho ah in ay uga baxaan dalkaas mudadaas oo ka bilaabanaysa bishan bilaawga ah ee Febraay0.

Shanta dowladdood ee jaaliyadooda laga cafiyay daymaha ayaa kala ah Somaaliya, Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad, waxaana arintaas horay u codsaday qunsuliyadaha wadamadaas u fadhiyay magaalada Jiddah, iyagoo kulamo la qaatay madaxa xarunta Shimees ee maamulka ajaanibta Usaama Abu-milxa iyo madax kale oo ka tirsan boqortooyada, taas oo u suurta galisay in dadkaas laga cafiyo deymaha.

Masuuliyiinta maamulka xarunta Shimees ayaa sheegay in ay ahmiyadda balaaran ugu jirto dhamaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya  dalalkooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.