AFRICOM oo ka war bixisay duqeyn ay ka fulisay koonfurta Soomaaliya

0

Taliska Africom ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaanka Beerxaani oo ku yaalla galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in weerarkaan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Africom ayaa sidoo kale xaqiijisay in duqeyntaasi dhanka cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shababaab, kaas oo ku sugnaa deegaanka Beerxaani.

Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in howlgalkaani ay gacan ka geysteen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray rayidka ku dhaqan deegaanka la duqeeyey, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn tan la mid ah uu Mareykanka ka fuliyey Jubbooyinka, taas oo lagu khaariyey xubin ka tirsaneyd Shabaab.

Tan iyo markii la guda galay sanadkan 2020-ka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa qaaday duqeymo dhowr ah, kuwaas oo ay ka fuliyeen gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.