Ahlu-Sunna oo qoraal ka kooban shan qodob ka soo saartay doorashadii Qoor-Qoor

0

Warqad ka soo baxday xaafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo garabka Ahlu-Sunna ay Madaxweynaha Galmudug dhawaan u doorteen ayaa lagu cadeeyey mowqifka Ahlu-Sunna ee doorashadii 2-dii bishan ka dhacday magaalada Dhuusomareeb, taas oo madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Qoor-Qoor.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ahlu-Sunna aysan aqoonsaneyn doorashadii Qoor-Qoor, waxayna ku tilmaameen mid aan waafaqsaneyn dastuurka Galmudug iyo kan dowladda federaalka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu beeniyay inuu jiro wada-hadal u socda hoggaanka Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka, waxayna dacaayad ku tilmaameen wadahadal ee sheegeen in dowladdu ay beesha caalamka ku qancisay in uu u socdo.

Ciidamada ammaanka iyo shacabka reer Galmudug ayey hoggaanka Ahlu-Sunna ugu baaqeen in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara iska hor-imaad, waxay warkooda ku balanqaadeen inay ka shaqeyn doonaan midnimada Galmudug iyo sidii la iskaga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Ugu dambeyn war-saxaafadeedkan ayey Ahlu-Sunna ku war gelisay maamullada iskuullada Galmudug in aysan ogolaan in ardayda loo adeegsado arrimo siyaasudeed, iyadoo loo goodinaayo inay shahaadadoodu ku xiran tahay taageero iyo wax lamid ah.

Hoos ka akhriso warqadda

War
War

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.