Ciidamo Turki ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya

0

Turkiga ayaa sheegay in afar ka mid ah ciidamadiisa la dilay halka sagaal kalena la dhaawacay, kaddib markii ciidamada dowladda Suuriya ay duqeyn ka geysteen gobolka waqooyi galbeed ku yaal ee Idlib.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisa ay qaadeen dagal rogaal celis ah oo ay ku dileen 35 ka mid ah ciidamada dowladda Suuriya.

Weli wax war ah lagama hayo dhinaca dowldda Suuriya oo ku aadan weerarkan uu Turkigu sheegay in uu uga dilay 35-ta askari.

Kumanaan shacab ah ayaa ka qaxaya goobaha ay mucaaradku ku xooggan yihiin ee dalka Suuriya, halkaas oo ay duqeyn ka wadaan ciidamada dowladda Suuriya iyo dagaalyahanno taageero ka hela Ruushka.

Shacab badan oo ka cararay dagaaladaas iyo duqeymaha socda ayaa u qaxay dhinaca xadka dalka Suuriya uu la wadaago dalka Turkiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.