Madaxweyne kale oo lagu doortay magaaladda Dhuusamareeb

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta madaxweyne u doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo horay uga tirsanaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

Axmed Qoor-qoor ayaa helay 66 cod oo ka mid ah 77 Xildhibaan oo codeeyay, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashadda ee Galmudug.

Xildhibaanadda ayaa hadda u fadhiya doorashadda Madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweynaha Maanta lagu doortay magaaladda Dhuusamareeb waxaa uu noqonayaa Madaxweynihii sadexaad ee Galmudg waxaana todobaadkii lasoo dhaafay Dhusamareeb lagu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sheegtay in uu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.

Axmed Ducaale Geele Xaaf oo jooga magaaladda Galkacyo ayaa dhankiisa waxaa uu weli ku adkeysanayaa in uu yahay Madaxweynaha Galmudug islamarkaana ay muddu xileedkiisii ka dhimantahay 15 billood, waxaana Galkacyo ku sugan 89 xubnood oo lagu shegay in ay yihiin Baarlamaanka Galmudug.

Maamulka ahaa hadda waxaa uu leeyahay sadax Baarlamaan iyo sadex Madaxweyne. Musharixiin fir-fircoon oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Odowaa ayaa diiday in ay doorashadda ka qayb galaan kuwaas oo shegay in nidaamka doorashadu uu yahay mid aan hufneyn.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.