Madaxwaynaha dalka Ciraaq oo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub

0

Dalka Ciraaq ayaa yeeshay Ra’iisul Wasaare cusub kadib bilooyin ay dalkaasi ka soconayaan dibad baxyo xoogan.

Madaxwaynaha dalka Ciraaq Barham Salih, ayaana Ra’iisul Wasaarihiisa cusub u magacaabay Tawfiiq Allaawi, oo horay usoo noqday wasiirka isgaarsiinta ee dalkaasi.

Caadil Cabdul-Mahdi, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay ayaa xilkan iska casilay bishii November kadib markii ay dhaceen moojado dibad baxyo ah oo looga soo hor jeedo xukuumadiisa.

Mr Allaawi, ayaa haatan haysta mudo bil ah oo uu kusoo dhisi karo dowlad cusub, isagoona sheegay in uu taageersanyahay dibad baxyaasha.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.