Kismaayo: Xubin ka tirsan is-bedel doonka Jubbaland oo xalay gurigiisa lagala baxay

0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa xalay gurigiisa kala baxay nabadoon caan ka ah magaaladaas.

Nabadoon ayaa lagu magacaabaa Cabdi Colow waxuuna ka mid yahay odayaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Nabadoonkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanyahay garabka isbedel doonka ah ee Jubbaland.

Illaa hadda lama oga sababta Nabadoonkaas xalay gurigiisa loogala baxay, hey’adaha amaankuna faahfaahin kama bixin, balse magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan xubno badan oo iskugu jira odayaal iyo siyaasiyiin, kuwaas oo aan la dhacsanay hanaanka maamul ee madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.