Wasaaradda Caasimaadka oo ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadeyso hey’ad laga leeyahay Turkiga

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay qaadeyso tallaabo ka dhan ah isbitalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho oo ay maamusho hey’ad laga leeyahay dalka Turkiga.

War-saxaafadeed goor dhaw kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgelin oo kala dhexeeya hey’adda maamusha isbitaalka Yardimeli.

“Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hey’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan,” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay iyadu mas’uul ka tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka dalka, isla markaana aysan dalka ka shaqeyn karin cid aan iyada ogolaansho ka haysan.

“Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil uga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxay Wasaaradda Caafimaadka ka qaadanaysaa dadka u bareeray jabijnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.”

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.