G/Gacal oo ku celiyey in doorashada halka dhinac u diyaarsanyahay ay berri dhaceyso

0

Kulan ay maanta magaalada Dhuusamreeb ku yeesheen xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa mar kale lagu shaaciyey in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in doorashadu ay dhici doonto maalinta Axadda  ah ee berrito.

Guddoomiye Gacal ayaa xildhibaanadii maanta soo xaadiray kulanka ku wargeliyey in ay soo xadiraan berrito oo ay dhici doonto daarashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay ka soo qeyb galayaan wafuud ka kala socota dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Doorashada loo madalsan yahay inay berri ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ayaa wajaheysa caqabado siyaasadeed oo aad u qalafsan, mana cadda inay berri dhici doonto doorashadaas oo ay gar wadeen ka tahay dowladda federaalka.

Musharaxiin muhiim u ah ka qeyb galka doorashadaas ayaa diiday inay is diiwaan geliyaan oo ka qeyb qaataan doorashada, waxayna saluug ka qabaan habka ay ku socoto iyo faragalin ay sheegeen in ay ku heyso dowladdu.

Sidoo kale doorashadan ayaa hadii ay dhacdo berrito waxay noqonaysii tii seddaxaad oo ka dhacda Galmudug, waxaana ka horeeyey mid madaxweynihii hore Xaaf uu ku qabtay Gaalkacyo iyo mid Ahlu-Sunna ay ku qabatay Dhuusamareeb oo ay madaxweyne ugu doorteen Sheekh Shaakir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.