Wasiirkii xabsiga ka baxsaday oo maanta ka degay Kismaayo

0

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo xarunta Jubbada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbadalnd.

Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib loo gudbiyey madaxtooyada Jubbaland oo uu hadda ku sugan yahay.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, isla markaana marar badan soo bedeshay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubaland weli war rasmi ah kama soo saarin tegintaanka Janan ee Kismaayo, balse waxaana hadda ay leeyihiin wada-tashiyo ku saabsan qaabka ay arrintan u shaacinayaan.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.