Wasiirkii amniga Jubbaland Janan oo diyaarad ciidan looga qaaday Kismaayo

0

Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Kismaayo, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Janan ayaa waxaa Kismaayo ka qaaday diyaarad ciidan, oo ay leeyihiin militeriga dowladda Kenya, sida ay xubno ka tirsan maamulka Jubbaland noo xaqiijiyeen.

Xubnahan ayaa sidoo kale sheegay in sababta Janan loogu qaaday Nairobi ay tahay in lagu soo sameeyo baaritaan caafimaad, maadaama muddo shan bilood ah uu xabsi ku jiray.

Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xanuunsaday xabsiga, taasi oo ahayd sababta markii hore looga soo saaray meeshii uu ku xirnaa ee loogu soo beddelay xabsi guriga, halkaasi oo uu ka baxsaday 28-kii bishan Janaayo, sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Jeneral Zakiya Xuseen.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu tarensid ahaa, isaga oo ku siijeeday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.