Madaxweyne Dani oo ku baaqay in qaab dhaqaale lagula diriro Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa sheegay in dadka xagjirka ah ay caqabad ku yihiin nabadda, degenaanshaha iyo wada noolaanshaha dadka ku nool Geeska Afrika.

Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxahaas, gaar ahaan Al-Shabaab, isagoo xusay haddii si qoto dheer loo fiiriyo xal waara laga gaari karo, waxuuna tilmaamay in aad looga gaabiyay arrintaas.

“La dagaalanka fikirka xagjirka ah iyo nabadgelyadooda ma ahan daawadooda in lala dagaalamo Militari ahana, waa in si kobac dhaqaale lagula diriro oo dadka inta la qaldayo laga gooyo”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in la isku xiro masaaliixda dadka ku nool geeska Afrika, isla markaana wax laga bedelo isu socodka xuduudaha, dadka iyo danaha is dhex galaan, si nabadda loo ilaaliyo.

Munaasabadda soo dhaweynta ah ee magaalada Nairobi loogu sameeyay Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xildhibaannada Soomaalida ah ee dowladda Kenya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.