Dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay qaybo ka mid ah wadamada Kareebiyaanka
Dhul gariir xoogan oo cabirkiisa lagu sheegay 7.7, cabirka dhul gariiryada ayaa ku dhuftay qaybo kamid ah wadamada Kareebiyaanka.
Wadamo ay kamid yihiin Cuba, Mexico, iyo Honduras ayaa lasheegay in uu dhul gariirka xoogiisa laga dareemay.
Magaalada Havana ee caasimada dalka Cuba ayaa kamid ah meelaha sida wayn looga dareemay dhul gariirka inkastoo aanan wali lasoo warin wax qasaaro ah oo ka dhashay dhul gariirka.