Caro xoog leh oo ka dhalatay heshiiska nabadda Bariga Dhexe ee uu soo bandhigay madaxweyne Trump.

0

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshaha nabadda bariga dhexe taas oo ay ka caroodeen masuuliyiinta iyo shacabka Falastiiniyiinta.

Trump, ayaa Washington, ka sheegay in magaalada barakeesan ee Qudus ay tahay caasimad aan lakala qaybin Karin oo ay leedahay Israel.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa markii uu qorshahani ku dhawaaqayay waxaa garab taagnaa Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Isagoona Trump ku adkaystay in qorshihiisan uu yahay fursadii ugu danbeesay oo ay helaan dadka Falastiiniyiinta.

Madaxwaynaha dowladda Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qorshahaasi. Isagoona hadalkiisa sii raaciyay in magaalada Qudus aysan marna noqon doonin mid beec ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.