Xil Fiqi: Ma dhici kartaa in warkaan baxsashada Janan loogu marmarsoonayo in la khaarajiyo?

0

Durba waxaa su’aallo laga keenay fariin ay goor dhaw baahisay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Janeraal Zakiya Xuseen, taas oo ay ku sheegtay inuu xabsiga ka baxsaday saakay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ah dadka su’aalaha ka keenay fariinta booliska, waxuuna soo bandhigay illaa seddax su’aalood oo uga soo baxday fariinta Jen. Zakiya.

Hoos ka akhriso qormada Xildhibaan Fiqi:

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo
Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3. Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!

Fariin
Fariin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.