Taliska Booliska oo shaaciyey in wasiirkii amniga Jubbaland C/rashiid Janan uu xabsiga ka baxsaday

0

Taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu saakay xabsiga ka baxsaday.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda Twitter-ka fariin kooban oo ay ku baahisay waxay ku sheegtay inuu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale waxay sheegtay Zakiya in laamaha ammaanku ay ku raad joogaa kuna dadaalayaan sidii loo soo qaban lahaa Janan, oo ay sheegtay in loo heysto dembiyo dagaal.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan”ayey tiri Zakiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.