Ra’iisul Waarihii dalka Qatar oo is casilay iyo mid kale oo durba la magacaabay
Ra’iisul wasaarihii dalka Sheekh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al-Thani ayaa maanta is casilay, isagoo is-casilaadiisa u gudbiyey Amiirka dalkaas Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani, sida ay goor dhaw baahisay wakaaladda wararka dalka Qatar ee News Agency.
Sheekh Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al-Thani oo ka tirsan qoyska reer boqor ee xukuma dalka Qatar, ayuu Amiirka dalkaasi ka aqbalay is casilaadiisa.
Amiirka Sheekh Tamim ayaa dur badiiba soo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub, kaas oo lagu magacaabo Sheekh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Illaa hadda lama shaacin sababta uu xilka is kaga casilay Ra’iisul wasaare Sheekh Abdullah Bin Nasser, kaas oo la magacaabay 26-kii June sanadkii 2013-kii. Da’diisuna ay aheyd 61-sano jir horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Qatar.