Mareykanka: Dadka cayrta qaata oo loo diidayo Green Card

0

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u ogolaatay inuu dhaqan gelin karo qorshe uu ku doonayo in dadka qaata kaalmada dowladda loo diidi karo sharciga deganaanshaha ee dalka  Mareykanka, inta uu ka soo baxayo xeer kama danbeys ah.

Go’aankan ay maxkamaddu gaartay ayey dowladdu u cuskan kartaa in sharciga loogu diido dadka hela, kaalmooyinka ay ka midka yihiin, caymiska caafimaad, lacagaha cunnada lagu iibsado ee ay dowladdu ku kabto qoysaska dan yarta ah iyo kaalmada guryaha.

Xeerka oo weli ay maxkamaddiisu taagan tahay ayaa waxaa dubra ka so hor jeestay kooxaha u dooda xuquuqda dadka dhawaangalka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.