Maamulka Bankiga Dhexe oo war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay

0

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay ku faah-faahiyey dabkii xalay ka kacay qeybo ka tirsan xarunta Bangiga Dhexe oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay Bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in dabku uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan la isticmaalin waayihii dambe.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay war-saxaafadedka inuusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dabkaas markii laga reebo fiilooyin koronto, iyadoo loogu mahad celiyey warkan ciidanka ilaalada xarunta iyo qolada dab demiska.

Halkan hoos ka akhriso war-saxaafadeed

Warsaxaafadeed Som 1 1449x2048
Warsaxaafadeed Som 1 1449×2048

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.