Ahlu-Sunna oo maanta dhaarisay 69 xildhibaan oo hor leh

0

Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqday liiska Xildhibaano cusub oo gaaraya 69 xubnood, kuwaas oo ku biiraya 20-kii xildhibaan ee horay ay u soo xushay Ahlu-Sunna, waxayna guddoomiye ku meel gaar ah u doorteen Cabdulqaadir Sheekh Cali Kulmiye Xoogsade.

69-ka xildhibaan ee maanta ay ku dhawaaqday Ahlu-Sunna ayey ku sheegeen inay qeyb ka yihii baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug, sidaas waxaa   warbaahinta u sheegay Maxamed Yaxye Faarax oo ah gudoomiyaha guddiga ay Ahlu-Sunna u xil saartay soo xulidda xildhibaanadan iyo xallinta khilaafaadka.

Guddoomiyahan ayaa sidoo kale sheegay inay xildhibaanadan dhawaan doora doonaan guddoomiye iyo ku xigeen wixii intaas ka dambeeyana ay u gudbi doonaan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Tallaabadaan ay qaaday Ahlu Sunna ayaa qeyb ka ah Khilaafka ka taagan doorashada Galmudug, waxaana hadda muuqata inay magaalada Dhuusamareeb marti gelin doonto laba doorasho iyo laba madaxweyne.

83363721 2510352849219125 3643864234044948480 N
83363721 2510352849219125 3643864234044948480 N
83535149 1008288812881204 686265473876099072 N 630x420 1
83535149 1008288812881204 686265473876099072 N 630×420 1
84191195 1008288786214540 2215934500301438976 N
84191195 1008288786214540 2215934500301438976 N

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.