Maxuu MW Farmaajo laba todobaad kadib saakay ugu dhoofay Asmara?

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa saakay safar ugu ambabaxay magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eriteria.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku sii sagootiyey mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ku sheegtay inuu la xariiro kulamo uu Ereteria kula leeyahay Madaxweynaha dalkaasi, Isaias Afwerki iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirkaasi seddax geesoodka ah looga hadli doono xaaladda gobolka iyo dhammeystirka iskaashiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteria.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shalay shaaciyey qabsoomida kulankaan, wuxuuna tilmaamay inuu la shiri doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo sidoo kale kan dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku jira isbaheysi saddex geesood ah oo ay dhisteen, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax la taaban karo oo uu qabtay.

Shirkaan ayaa sidoo kale imaanaya ayada oo 11-kii bishan uu Farmaajo ka soo laabtay Asmara, isla markaana uu kula soo kulmay dhigiisa Afwerki, isagoona kalana soo hadlay arrimo dhowr ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.