Kheyre oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc ay ku baxeyso $1.6 Milyan

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho ka furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay, sida lagu sheegay war-saxaadadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay fulineyso barnaamijkan, waxaana maal gelinaysa hey’adda USAID, taas oo ku binaysa $1.6Milyan (Hal Milyan iyo Lix boqol oo kun oo doolar), sidoo kale waxaa ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in mashuurcaan uu qayb ka qaadanayo horumarinta dhaqalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha qoysaska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan dembiyada iyo tahriibka.

Dhallinyarada ka faa’iideysanaya barnaamijkan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo ka mid ah beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo tiknoolojiyadda.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.