Dad badan oo u geeriyooday cudurka dilaaga ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha

0

56 ruux ayaa u geeriyootay cudurka dilaaga ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha in ka badan laba kun oo ruux ayaa sidoo kale cisbitaallo loo dhiigay.

Shiinaha ayaa Axada maanta ah ballaarinaya xayiraadaha safarka ee gudaha iyo dibadda dalkaas, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka ‘coronavirus’ oo uu Madaxweyne Xi Jinping sheegay in uu khatartiisu ay sii kordhayso, iyada oo tirada dhimashada ay gaartay 56 qof, waxaana Shanghai laga soo sheegayaa dhimashadii ugu horaysay ee cudurkaan uu sababay.

Shiinaha ayaa xaqiijiyay 1975 xaaladood oo bukaanno ah uu ku dhacay coronavirus-ka cusub laga soo bilaabo 25-kii bishan Janaayo, weriye ka tirsan telefishanka CCTV, ayaa sheegay in ka badan 2,000 kun oo qof oo ku kala nool daafaha dunida inay hadda cudurkan qabaan.

Fayraskan, ayaa la rumeysan yahay inuu soo bilaawday dabayaaqadii sanadkii hore, kadib markii suuq badeed oo ku yaalla bartamaha Shiinaha, gaara haan magalada Wuhan oo si sharci darro ah looga iibinayay duurjoogta, ayaa ku faafay magaalooyin Shiinaha ku yaalla oo ay ka mid yihiin Beijing iyo Shanghai, iyo waliba dalal kale oo ay ka mid yihiin Singapore, Thailand, Japan, Faransiiska, Mareykanka iyo Canada dhamaantoodna waxay soo sheegaan kiisaska cudurkan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.