Weerarkii Iran oo tiiraanyo ku reebay Askar American ah

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in 34 askari oo ciidanka Maraykanka ka tirsan laga baaray Tiiraanyada dhaawaca maskaxda kadib weerarkii ay Iran ku qaaday saldhigyadda Ciraaq.

Toban iyo todobo askeri ayaa weli caafimaadkooda la baarayaa, sida ay BBC-du kasoo xigatay afhayeenka Pentagon-ka.

Madaxweyne Donald trump ayaa sheegay in aysan ciidan Maraykan ah ku dhaawacmin weerarkii 8-da January kaasi oo Iran ay ugu aar-gudeysay dilkii General Khasim Suleymani.

Trump waxaa uu hadalkiisa ku daray in maadaama uusan dhaawac sababin weerarkii Iran aysan dhankooda ka jawaabeynin.

Lakiin todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay sheegtay 11 askeri laga daweeyay naxdin adag oo weerarkii kasoo gaartay.

Mar arrintaan wax laga weydiiyay Madaxweyne Donald Trump isagoo jooga magaaladda Davos ee dalka Switzerland ayuu yiri “ waxaan maqlay in madax xanuun uu ku dhacay iyo laba arrimood oo kale, laakiin waxaan dhihi lahaa oo aan sheegi karaa in aysan halis ahayn”.

Gaashaandhigu waxaa uu sheegay in aysan jirin ciidan Maraykan ah oo ku dhintay Saldhigga Cay Al-Assad oo ay ku dhaceen madaafiicda Iran.

Jimcihii, afhayeenka waaxda difaaca Maraykanka Jonathan Hoffman ayaa warfidiyeenka u sheegay in sideed ka mid ah ciidanka waxyeeladu gaartay dib loogu celiyay Maraykanka si ay u helaan dabiib dheeri ah, halka sagaal kalena lagu daweynayo Germany.

Toban iyo lix ayaa lagu daweeyay dalka Ciraaq midna waxaa lagu daweeyay Kuwait, balse saraakiishu waxay sheegeen in 17-kaasi ay shaqadooda dib ugu laabteen.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.