Booliska Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigay Aabe wiilkiisa ku gowracay M/Jowhar

0

Taliyaha ciidanka Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar, kaas oo laga qabtay Tuulo hoos tagta magaalada Jowhar, isaga oo baxsad ah.

Waxaa uu sheegay in shalay markii uu dilka geystay uu goobta ka baxsaday, isla markaana howlgal ay sameyeen ciidanka gacanta lagu soo dhigay, haatana lagu hayo magaalada Jowhar baaritaanana ay ku socdaan.

Cismaan Ibraahim waxaa uu shalay galab wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jiray Ibraahim Cismaan Ibraahim ku  gowracay xaafadda Horseed ee Jowhar, kaas oo da’diisa lagu sheegay 14-sano jir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta keentay in Aabahan uu dilo wiilkiisa, balse taliska booliska magaalada Jowhar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baaritaano ku socdaan, dibna ka soo sheegi doonaan waxa kalifay falkan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.