Jubaland oo soo saartay go’aan la xiriira hanaanka doorashooyinka Qaranka

0

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku dhowaaqday inay qaadacday dhammaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee la filayo in Soomaaliya ay guda gasho bilaha soo socda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020/2021.

“Sidaas awgeed, waxay Jubbaland ogaysiinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay, in aysan ka qaban karin Jubbaland wax shaqo ah oo la xiriira doorashooyinka 2020-2021.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan la socod siinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay ka qaadato doorkeeda dastuuriga ah, si waafaqsan qaraarkii Baarlamaanlca Federaalka Soomaaaliya ee ku saabsanaa buuxinta kuraasta bannaan.”

Go’aanka Jubbaland ayaa caqabad weyn ka noqon kara hanaanka doorashooyinka qaran, waxaana la rumeysan yahay in sidoo kale Puntland ay qorsheyneyso inay hanaankan sidoo kale qaadacdo.

Labada maamul ayaan xilligan wax xiriir ah la lahayn dowladda dhexe, waxaana go’aanka Jubbaland ee caawa uu yimid maalmo un kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo kan Puntland Saciid Deni ay Boosaaso kaga dhowaaqeen go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe.

Whatsapp Image 2020 01 22 At 5.06.18 Pm
Whatsapp Image 2020 01 22 At 5.06.18 Pm

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.