Galmudug: Ahlu-Sunna oo soo saartay jadwal kale oo doorasho

0

Guddiga doorashada Galmudug, garabka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa soo saaray jadwalka doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in 23-24-ka Janaayo la qabanayo araajida musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

25-28-ka Janaayo ayey guddiga sheegeen inay ku diyaar garoobayaan musharixiinta si ay u sameeyaan ololahooda.

29-ka Janaayo ayaa lagu sheegay waraaqda kasoo baxday guddiga doorashada Galmudug garabka Ahlu-Sunna inay noqon doonto maalinta la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta halka Maalinta xigta ee 30-ka january la dhageysan doono musharixiinta madaxweyne ku xigeenada.

Ugu dambeyntii guddiga ayaa sheegay in 5-ta bisha Febraayo oo ku beegan maalin Arbaco ah la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli shalay guddiga doorashada Galmudug garabka dowladda Soomaaliya ay soo saareen shuruudaha iyo jadawalka doorashada Galmudug, kadib markii la isku khilaafay cidda guddoomiye u noqoneyso guddigaas.

Xiisadda u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo dowladda Soomaaliya ayaa mar kale meel sare gaartay, waxayna Galmudug u muuqataa mid marti geli karta doorashada illaa seddax madaxweyne, maadaama Madaxweyne Xaaf uu isna Gaalkacyo ka wado dhismaha maamul kale.

Halkan hoose ka akhriso jadwalka Ahlu-Sunna

82627197 515198106061763 2160965833809985536 N
82627197 515198106061763 2160965833809985536 N

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.